Warqado sirdoon oo xasaasi ah: Somalia oo isku dhex yaacisay Itoobiya

Warqadahaan hoose waxay muujinayaan sida ay Itoobiyaan ugu jahwareersanaayeen waxa uu damacsannaa Golaha Kacaanka. Madaxda Itoobiyaanka qaar baa Maraykan u sheegaya Soomaaliya ayaa weerar nagu ah, kuwa kalena way beeninayaan.

Sida aan ku maqlay taariikhda, ka hor inta uusan dagaalkii 1977 dhicin, Soomaaliya waxay ciidan dhar shacab wata u diri jirtay gobolka Soomaali Galbeed, Itoobiya mar walba waxay filaysay weerar uga yimaada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya ee xiligaas Endelkachew Makonnen ayaa sanadkii 1974 safiirka Maraykanka ee Addis Ababa fadhiyay cabasho ugu tagay una sheegay in Golaha Sare ee Kacaanka intooda badan Itoobiya in la weeraro isla qaateen, weeraro gardaro ahna xudduuda ay ka wadaan.

Intaas kadib, sirdoonka Maraykanka waxay wareysteen safiirkii hore Itoobiya u fadhiyay Washington, markaasna Makonnen la taliye u ahaa, wuxuuna u sheegay Sirdoonka Maraykanka in Soomaaliya ay weerari doonto Itoobiya, keliya uusan sheegi karin xilliga ay arintaas dhici doonto.

Arrintii kama harin sirdoonka, waxay waraysteyn mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro,safiirkii Itoobiya u fadhiyay Muqdisho ATO AYALEW MANDEFRO, oo markii dambe noqday safiirka Itoobiya ee Maraykanka, kadibna Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya.

Mandefro wixii RW-ha Itoobiya iyo safiirka sheegeen lugta ayuu ku dhuftay, wuxuuna khilaafay wax walba oo ay sheegeen, asagoo ku adkaysay in ay been tahay welwelka weerar ka imaan kara Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Golaha Kacaanka ragga raba weerarka aysan wax saameyn ah lahayn, Soomaaliyana weerar ku ahayn Itoobiya, gardaro iyo qalalaase Soomaaliya ay xudduuda ka wadanna aysan jirin.

Sababta safiir Mandefro oo Muqdisho jooga ku kaliftay inuu Raisuul Wasaarihiisa iyo safiirka kale sheekadooda u qaldo maxay ahayd, waa sheeko fasiraad kale u baahan, ma laha Golaha Kacaanka dad sir badan bay ahaayeen.

Amaan ayay mudan yihiin ragga howlahaas ka shaqeeyay..

W/Q: Hassan Adam Hosow