Xildhibaan Xidig oo liiday awoooda uu yeelan karo go’aan ay gaaraan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed oo ahaa  Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa afka furtay isagoo liiday awoodda uu yeelan karo go’aan ay gaaraan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in go’aanada ay soo saaraan Xildhibaanada Baarlamaanka aysan ka dhaafi karin Gobolka Banaadir, wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo heli xuquuqdii Gobolka Banaadir lahaa.

Xildhibaanka ayaa hadalkaan ka sheegay isasgo ka hadlayay shirka Baarlamaanka ayaa sheegay in maalin kasta aan loo baahneyn mooshin is daba socda oo looga hadlayo arrimo aan la fulin karin, isagoo soo jeediyay in loo soo jeesto sidii Gobolka Banaadir xuquuqdiisa u heli lahaa, maadaama Baarlamaanka iyo Xukuumadda ku shaqeeyaan, aysan macquul aheyn in la iska indha tiro.

C/rashiid Xidig  ayaa yiri “Marka hore waa in aan is weydiinaa, wadanka waa Federaal, dowladda Federaalka aheyd iyo dowlad goboleedyad,a dowladdan xamar ka dhisan oo Baarlamaanka kow ka yahay, Xukuumadda iyo Mas’uuliyiinta ma waxaa nahay Baarlamaanka iyo Xukuumadda Gobolka Banaadir mise waxaa nahay Baarlamaan iyo Xukuumad Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Wuxuu ka dhawaajiyey inaysan shuruuc iyo go’aano lasopo saaro la fulin karin iyadoo aan meel lasoo saarin xuquuqdii dadka Banaadir oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad culeys lagu hayo.

Isagoo hadalka sii wato ayuu yiri  “Horta awooda Baarlamaanka xagee gaarsiisan tahay, Afgooye iyo balcad ma gaarto, Gobolka Banaadir dadka jooga dhib ayaa ku heynaa, awaamiirteena asiga ayay ka fushaa, wax kasta ayaa lagu dul qabanaa, hadaan nahay Baarlamaanka Gobolka Banaadir ama hadaa nahay Baarlamaan Fderaal ah in la keeno barnaamijyo cad cad, oo xuquuqda Banaadir wax looga qabanayo waayo 18-kii Gobol kuma jiraan waa laga reebay” .

Wuxuu ku taliyey in xil la iska saaro sidii xaqaas loo soo celin lahaa maadama uu yiri inay cadaalad darro tahay in 17-ka Gobolka Banaadir si gaar ah loo xaqiro xuquuqdooda.

“Hadii aan ku egnahay Gobolka Banaadir oo aan Afgooye iyo Balcad gaarsiisneyn aan cadeyno, ama xuquuqdii Gobolka Banaadir banaanka hala keeno”ayuu mar kale yiri Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com