Wasaarada difaaca DF oo ku dhawaaqday go’aan inbadan ka careysiin doona Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Xukuumada Somalia ayaa ka hadlay ciidamada Soomaalida oo ay tababareen Imaaraadka kuwaa oo si gaara ula shaqeeya Safaarada Imaaraadka ee Somalia.

Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradu u tashan doonto.

Wasiir Mursal oo la hadlaayay warbaahinta Muqdisho, ayaa cod dheer ku sheegay in Xukuumada Somalia ay dib ula soo laabaneyso awooda ciidamadeeda, sidaa aawgeedna ay doonayaan in ciidamadaasi ay hoos keento maamulka Wasaarada Difaaca.

Waxa uu Wasiir Mursal sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga Wasaaradda Gaashaandhigga lagana soo wareejin doono dhawaan Imaaraadka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “waxaan la soo wareegeynaa Ciidanka difaaca Somalia ee tababarka siisay Dowladda Imaaraadka Carabta, Ciidankaas ayaa si toos loola soo wareegi doonaa 12ka Bishaan oo ku beegan maalinta aasaaska Ciidanka Soomaaliya”

Waxaa uu sheegay inay u mahad celinayaan dowladda Imaaraadka Carabta Tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada Generaal Goordan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ciidamadan u adeegsata isaga difaacida ciidamada kale ee dowlada, waxa ayna sheegtaa inay u gaaryihiin oo ay ku bixiyaan xuquuq dhameystiran.

Go’aanka Xukuumada, gaar ahaan Wasaarada Difaaca ay kula soo wareegeyso ciidamadan ayaa nabar ku noqon doonta dowlada Imaaraadka Carabta oo si khaldan u adeegsata ciidamada.

Ma jirto wax wara oo kasoo baxay Dowlada Imaaraadka Carabta oo ku aadan go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay ciidamada ay tababareen isla markaana ku jira gacanta maamulka Safaarada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com