Kulankii baarlamanka ee maanta baaqday oo laga heshiiyey waqtiga uu dhacayo

Mudisho (Caasimadda Online) – Kadib muran ka dhashay shirkii Baarlamaanka ee Arbacadda maanta lagu waday inuu qabsoomo ayaa lagu xaliyey waanwaan laga dhex sameeyay guddoonka kala qeybsan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa ka hor yimid kulanka la shaaciyey Arbacadda isagoo sheegay inuu yahay kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka, isaguna uu xaq u leeyahay inuu shaaciyo kulanka, taasoo keentay inuu diro farriin ku saabsan inuusan jirin wax kulan ah Arbacadda.

Kulanka ayaa ugu danbeyn lagu heshiiyay inuu dhacdo Khamiista Berri iyadoo Gudodomiye ku xigeena koowaad loo dhaafay shir guddoonka iyo hagista kulamada Baarlamaanka, wuxuuna xalay saqdii dhexe kadib diray farriin ku saabsan in shirkii Baarlamaanka uu dhacayo Khamiista.

C/weli Muudey oo hoggaaminayey kacdoonkii looga hor yimid Guddoomiye Jawaari, ahaana xagjir si weyn ula dhacsanaa mooshinka Jawaari ayaa hadda gebi ahaan la wareegay guddoonka Baarlamaanka, inkastoo aanay isku fiicneyn kuxigeenka labaad iyo xogheynta Baarlamaanka.

Halkaan hoose ka akhriso farriinta oo kala diray Xildhibanada:

Guddoonka Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhamman Xubnaha Golaha in uu jiro kulanka Guud Golaha Shacabka Maalinta Khamiista Tr. Ku beegantahay 12/04/2018 Saacadduna 09: 00 Subaxnimo. Ajendaha: Hadaljeedinta Guddoomiye Jawaari”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com