Jawaari oo Berri shir guddoomin doono Shirka Golaha Baarlamaanka iyo muran badan oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha is casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa guddoomin doona qeybta hore ee fadhiga Baarlamaanka yeelan doono maalinta Berri ee Khamiista.

Kulankan Berri oo maanta lagu waday inuu dhacdo ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii la isku qabsaday cidda guddoomineysa, waxaana ajendihiisu yahay khudbad uu jeedinayo Guddoomiyaha xilka banneynaya ee Jawaari.

Shirar is daba joog ah iyo waanwaan dhex martay guddoonka Baarlamaanka oo ay ku dhex jirtay madaxtooyada ayaa xalay saqdii dhexe la isku afgartay in Guddoomiye Jawaari uu yeesho guddoonka qeybta hore ee fadhiga Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday inuu si xushmad leh uga dego xilka, isagoo ah guddoonka fadhiga Berri, wuxuuna ku bilaabi doonaan furitaankii caadiga ahaa ee fadhiga iyo ansixinta ajendaha, kadibna wuxuu jeedin doona khudbad la sheegay inay meelo badan taaban doonto, iyadoo markaas kadib uu ku wareejin doono guddoonka Guddoomiye ku xigeenka koowaad, isaguna uu ka mid noqon doono xildhibaannada caadiga ah ee fadhiya kulanka.

C/weli Ibraahim Muudey la ogoleysiiyay dalabka Jawaari, waxaana markaas kadib farriin cusub loo kala diray xildhibaannada Baarlamaanka, halkaasoo uu ku soo gabagaboobayo Mooshinkii guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com