Wasaaradda A/Gudaha DF oo qoraal kasoo saartay doorashada QOOR QOOR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa qoraal kasoo saartay doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee madaxweynaha loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor”. Hoos ka aqriso qoraalka. 

WAR SAXAAFADAEED

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta, ayaa bogaadisay doorashada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen ee ka qabsoontay Dawlad Goboleedka Galmudug maanta oo ay taariikhdu tahay 2dii Febraayo 2020.

Madaxweynaha cusub Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Madaxwayne ku xigeenka cusub Mudane Cali Daahir Ciid ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku guuleystay doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay Dhuusamareeb ayay wasaaraddu u hambalyaynaysaa.

Wasaaradda ayaa u rajaysay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo shacabka dhammaantii.

Wasaaraddu waxa ay si mugwayn u bogaadinaysaa go’aankii madaxda qaranka ay ku garab istaageen dib u dhiska maamulka Galmudug, waxa ayna wasaaraddu ka mahad celinaysaa kaalintii Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre uu ka qaattay dib u yagleelidda Galmudugtan cusub, sidaas oo kale waxa ay Wasaaraddu u mahad celinaysaa Odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiinta, dhallinyarada, iyo guddiyadii dib-u-heshiisiinta iyo farsamada ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuqaraadiga ah oo uu ku dhismay maamulkan cusub ee Galmudug.

Ugu danbayn, Wasaaraddu waxa ay ugu baaqaysaa bulsahda reer Galmudug inay garab istaagaan maamulka cusub oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka.

DHAMAAD