Odawaa: Farmaajo & Kheyre ayaa sababay in Galmudug ay yeelato 3 madaxweyne

Dhuusamareen (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa musharixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug ayaa sheegay in uu ka Shaqeyn doono xalinta Galmudugyada badan.

Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Galmudug ka abuurtey Galmudug badan, waxaana Maanta uu sheegay in galmudug ku suntahay taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayuu ku eedeeyey inay sabab u yihiin in Galmudug ay yeelato Saddex Madaxweyne,waxaana uu kulan lagu dhisaayo Galmudug mid ah uu ugu yeeray waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa

Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah.

Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. “Madaxweyne” saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacowday caasimadda Dhuusamarreeb.

In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen.

Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa.

Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah”

Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa.