Qodob Soomaalida halis ku ah oo ku jira qorshaha lagu bedelayo dastuurka Kenya

Nairobi (Caasimadd-a Online) – Dowladda Kenya ayaa keentay mowduuc loo yaqaano BBI kaas oo afti looga qaadayo dadweynaha, waxaana looga gol leeyahay in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas.

Sida lasoo wariyay masuuliyiinta talada haya iyo kuwa mucaaradka ah ayaa ku kala qeybsamay qorshahaan, waxaana hay’adaha la xusi karo ka mid ah hay’adda fulinta iyo xeer dajinta, wararka waxey intaas ku darayaan in isbadalka lagu sameynayo dalkaas ay ka mid tahay in jago ra’iisul wasaare lagu soo kordhiyo, lana dhimo tirada baarlamaanka.

Maadaama Soomaalida ay ka mid tahay dadyowga ugu badan ee ku nool Kenya, waxaa jira warar laga soo tabinayo siyaasiyiintooda kuwaas oo aragti ahaan u mideysan arinta soo korortay, balse meesha lagama saarin aragti kala duwanaasho yar oo jirtra.

Waxaa jira qodob aruurinaya in awood qeybsiga sida dhaqaalaha, kuraasta iyo xilalka lagu saleeyo tirada dadka, waana midka ay gabi ahaan diidan yahiin siyaasiyiinta Soomaalida, balse mashruuca BBI marnaba kama soo horjeedaan.

Soomaalida waxey heystaan dhulka ugu badan Kenya marka lala barbardhigo qowmiyadaha kale, balse tiro ahaan wey yaryahiin taasoo dhibaato ku ahn, waxaana xusid mudan in dastuurka haatan jira uu farayo in lagu jaangooyo arinta cadadka bulshada iyo gobolada ay dagan yahiin sida uu u weyn yahay.

Si kastaba Aadan Barre Ducaale oo ah siyaasiga ugu xilka sarreeya Soomaalida ayaa kasoo horjeestay qorshaha, walow uu ka mid yahay xisbiga talada haya hadana ma jiro sharci u diidaya inuu difaaco danta dadkiisa.