Wasiir Cawad iyo xubnaha Puntland ee DF oo gaaray Garoowe oo uu ka furmayo shir ka dhan ah dowladda

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaninaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb galayaan Shirka Wadatashiga Puntland ee furmaya 15-ka bishan, kaasi oo uu ku baaqay madaxweyne Deni kadib markii uu aad uga carrooday “ficillada madaxda dowladda dhexe.”

Wafdiga ayaa ka jawaabay baaqii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in dhamman siyaasiyiinta kasoo jeedda degaanada Puntland ay kasoo qeyb galaan shirka.

Hase yeeshee ma cadda sida tagitaankooda ay u arki doonaan madaxda saree e dowladda, si gara ah wasiir Cawad oo ah shaqsi xil sare ka haya dowladda Soomaaliya.

Warraka ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in joogitaankodoa Garoowe ay uga faa’iideystaan inay isku soo dhoweeyaan madaxweyne Deni iyo madaxda dowladda federaalka.

Si kastaba, wafdigan maanta Garowe ayaa horay ugu fashilmay in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaray go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo madaxweyne Deni uu horey ugu eedeeyey “carqaladeyn iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada dalka.”

Go’aanada la filayo inay kasoo baxaan shirka ayaa waxaa ka mid ah in Puntland qaadacdo doorashooyinka dalka laga qabanayo, maadaama ay horey uga hor-timid sharciga doorashooyinka, iyo inay si buuxda xiriirka ugu jartao dowladda dhexe.