30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wasiir Fargeeti oo ka horyimid boobka shirkadda Takaaful ee shacabka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa ka hadlay mushkilad waayadaani ka taagan magaalada Muqdisho.

Wasiir Fargeeti, ayaa sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay inaysan fasax u ahayn caymis, ay ka qaadan shacabka.

Wasiirka waxa uu sheegay in waayadanba ay maqlayeen cabashada laga qabo Ceymiska waxa uuna qaadacay wararka sheegaya in shirkada Ceymiska ay qabto fasax.

Shirkadda Caymis Takaful, ayaa shalay gaadiidleyda Magaalada Muqdisho ku soo rogtay bixinta canshuuro caymis ah, iyadoo taasina ka careysiisay gaadiidleyda, oo shaqo joojin sameeyay.

Wasiirka Maaliyadda oo la hadlay Warbaahinta, ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan warbixin kooban ka bixiyo dhacdadii shalay dhacday, oo gaadiidleyda ay ka cabanayeen caymis lagu soo rogay, oo si khasab ah loogu khasbaayay. Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyadda waxaan u cadeynaya shacabka in illaa iyo hadda aysan jirin shuruuc u ogolanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay caymis shacabka ka qaadaan.”

“Wsaaaradda Maaliyadda ayaa ka masuul ah, iyadoo tix raaceyso shuruucdii u degsanaa wadanka, intuusan burburka dhicin ka hor, shuruucdaasna welina ay yihiin kuwa hadda lagu shaqaynayo.”

Gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa shalay dhigay banaanbaxyo oo ay kaga cabanayaan Ceymiska oo la sheegay inaysan aheyn wax sharci ah.

Dhinaca kale, Wasiir Fargeeti ayaa ka digay dhibaatooyinka ka imaankara Ceymiska laga qaado gaadiidka BL-da ah ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News