30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Xilka taliyaha NISA Jeneral Gaafoow oo halis ku jira

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ee NISA Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa fadeexad dhexda ka fadhiya, isla markaana caga badan ku fadhin inuu xajisto xilkiisa.

Jen. Gaafoow ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muuqato ku lahaa fadeexadihii doorashooyinka Cadaado iyo Jowhar ee beesha caalamka si adag ugu hadashay, gaar ahaan Mareykanka oo digniin kasoo saaray kuraastii qaabka masuq maasuqa lagu doortay ee Cadaado.

Falka ugu weyn ee fadeexada iyo xil ka qaadista Gaafoow sababi karta xili aan fogeyn ayaa ah kaalintii uu ku lahaa handadaadii iyo masuq maasuqii lagu doortay walaalkiisa C/qaadir Gaafow, waxaana la og-yahay in kursigaasi uu dhiig ku daaday.

Jen. Gaafoow oo Cadaado maalmo ku sugnaa ayaa wuxuu handadaad iyo caga jugleyn isugu daray ergada iyo suldaanka beesha Murasade oo uu isku dayay inuu hoygii uu ka deganaa xoog ugala baxo, balse laga hor istaagay.

Dowladda Mareykanka oo lacagaha mushaarka ciidamada NISA bixisa ayaa arintaan isha ku haysa, waxaana suuragal ah in kahor doorashada madaxweynaha in Mareykanka soo gudbiyo codsigiisa ah inuusan xilka hayn karin Gaafoow oo ay arkeen hab dhaqankiisa iyo masuq maasuqa, sidaasina lagu wadi karin ciidamo sirdoon oo Mareykanka taageerayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News