Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.
Taliye ku-xigeenka NISA Ismaaciil Daahir Cismaan oo ka jawaabaya hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inuu yahay mid been abuur ah, isla markaana aysan NISA faragalin Doorashooyinka Somalia.
Taliye ku-xigeenka NISA Ismaaciil Daahir Cismaan, oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in NISA aysan ka suuroobin inay faragaliso howlaha Doorashooyinka dalka.
Taliye ku-xigeenka waxa uu sidoo kale been abuur ku sheegay hadalka Ra’isul wasaaraha ee ku aadan in NISA ay xirtay mid kamid ah salaadiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Ismaaciil Daahir Cismaan, waxa uu intaa ku daray in NISA ay ku howlan tahay howlaheeda gaarka ah, waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan faragalino ay ku hayaan Doorashada Aqalka Hoose.
Haddalka kasoo yeeray Taliye ku-xigeenka NISA, ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho aad looga hadal hayo xariga Suldan reer Somaliland oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

