Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka India ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Somalia Dr Aden Xaaji Ibraahim oo dhawaanahaani ahaa mid xanuun la jiifay.
Geerida wasiirkii hore ee Caafimaadka, ayaa waxaa xaqiijiyay Wasaarada arrimaha dibadda Xukuumada federaalka Somalia.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada oo lagu soo daabacay bartooda Twitter, ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirkii hore uu u geeriyooday xanuunkii hayay.
Qoyska Marxuumka ayaa dhowr jeer oo sii horeysay Xukuumada Somalia ka dalbaday in garab lagu siiyo dabiibida Dr Aden Xaaji Ibraahim balse caga jiid kadib waxa ay taasi soo dadajisay geerida marxuumka oo sabab u aheyd dayacnaan ka heysatay dhanka Dowlada, bacdamaa qoyskiisa ay dalabyo kala duwan Dowlada gaarsiiyeen.
Meydka Marxuumka ayaa lagu wadaa in dalka dib loogu soo celsho si aas loogu sameeyo magaalada Muqdisho.
Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

