Wasiir Jamaal oo shaaciyey hay’ado caalami ah oo dalka ku haya khatar xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maaxmed Xasan oo maanta fadhiga golaha shacabka ka hor akhriyey xeerka Shirkadaha aan dowliga ahayn, ayaa sheegay in dalka ay ka howlgalaan hey’ado shisheeye oo aan ogoleyn in lala xisaabtamo.

Wasiirka ayaa yiri, “Waxyaabo fara badan ayaa dalka soo gala hadey noqon laheyd deeqo ama mashaariic hey’adahaas caalamiga ah ayaana gacanta ku haya, waxaad arkeysaa xildhibaan ama wasiir doonaya si deegaankiisii uu mashaariic uga fuliyo u maro NGO oo hey’adaha dowladda aan u soo marin.”

“Mararka qaar waxay dhibaato weyn ka dhalataa inay deegankooda u daba fariistaan hey’adahaas, meeshii laga rebay in wasaaradda shaqadaas iska leh ay u yeerto oo kula xisaabtanto hey’addii shaqadaas qabatay” ayuu yiri.

Wasiir Jamaal oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa golaha in aan ka hor cadeeyo wadankan waxaa jooga 132 hey’adood oo caalami ah, waa inta aan ognahay, intooda badana waxa ay qabtaan shaqooyinkii looga baahnaa hey’adaha dowladda, marka waxaan u baahanahay sharci kala cadeynaya meesha ay ka bilaabaneyso shaqada hey’adda aan dowliga aheyn iyo meesha ay ku egtahay iyo sidii ay hey’adaha dowladda ay ugu wareeji lahaayeen shaqooyinka ay qabtaan.”

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo is daba marsan, sidaas darteed xildhibaanada golaha shacabka looga baahanyahay  inay sharcigaas ay soo akhriyaan, oo ay ka fiiriyaan dhinac walba sida, xaquuqul insaanka, dastuurka, xuquuqda gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed, iyo xuquuqda ay leeyihiin hey’adaha caalamiga ah.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa isna kulanka golaha ka hor sheegay, in hey’adaha 132-da ah ee uu wasiirku sheegay inay dalka joogaan aan lala xisaabtami karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka shaqada dowladda Soomaaliya markii aan ahaa, waxaan aad u daba geli jiray hey’adaha dalka yimaada, sababtoo ah, waxay qaban jireen shaqooyinkii ay qaban lahaayeen dadka Soomaaliyeed, si aan u ogaano waxa ay qabanaayaan dad Soomaaliyeed ayaan ka daba geli weynay, hey’ad kasta qof Soomaali ah ayaa daba taagan, waxaa ka mid ah xildhibaano anaga naga mid ah, anaga tabar u weynay waana xaqiiq arintaas oo aniga ayaa soo taabtay,” ayuu yiri Cabdiweli Muudey guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdi Cali oo sina ka hadlay kulanka golaha shacabka ayaa sheegay in hey’ado ay dowladdu horay uga ceyrisay dalka ay weli ka shaqeeyaan, kuwaas oo leh diyaarado iyo hoteelo ganacsi.

“Hey’ad la yiraahdo SKA qaraar baarlamaan ayaa laga soo saarnay oo dalkan waa laga ceyriyey welina wey joogaan waa ka shaqeyaan, diyaaradey leeyihiin hoteeley leeyihiin, maalin kasta shaqaale ajaaniib ah ayey dalka soo geliyaan, marka sharcigan waa lala soo daahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali, isaga oo wasiirkana weydiiyey in wasaaraddu leedahay waax xogta hey’adahaas u soo aruurisa, si cidii sharuucda u gefta tallaabo sharci ah looga qaado.