Wasiir JANAN oo si kulul uga hadlay dhacdadii Ceelwaaq

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdadii degmada Ceelwaaq ee ay geysteen ciidamada dowladda Kenya ee ka howl-gala halkaasi.

Janan oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in maamulka Ceel-waaq ay ku soo wargeliyeen in dad shacab ah dhibaato loogu geystay deegaanka Yaaddo oo hoostaga degmadaasi, kadib markii qarax lagula eegtay ciidamada wadanka Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tegi doonaan Ceelwaaq isaga iyo guddi oo uu guddoomiye u yahay si baaris dheeraad ah ugu sameeyaan falkaasi arxan darrada ahaa.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono ciidamadii geystay dhacdadaasi, si aysan markale u dhibaateyn dadka rayidka ah.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka war-sugayaan baarista ay haatan wadaaan ka guddi ahaan.

Jubbaland ayaa dhowaan guddi gaar ah u xilsaartay dhacdadaasi, kuwaas oo qiimeyn iyo dabagal ku sameyn doono, sida wax u dhaceen.

Si kastaba ha’ahaatee falka ay ciidamada Kenya ku laayeen dadka shacabka ayaa dhaliyey caro dadweyne iyo dibad-baxyo waa weyn oo ka dhacay gobolka Gedo.