26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo shaaciyey dambiyada loo heysto C/rashiid Janan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama aysan jirin diyaarar toos u aadi karta Addis Ababa oo ka baxaysa Kismaayo, ayada oo ka fulinayo go’aanka dowladda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan loo heysto dambiyo badan oo uu ka galay Reer Gedo sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir  Hilaal ayaa sheegay in Wasiir Janan ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta Dambi Baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) isla markaasna ay Maanta suurta gashay in gacanta lagu dhigo.

Sidoo kale Wasiir Hilaal ayaa bartiisa Facebook soo dhigay warbixino ay horey usoo saartay Kooxda “UN-Monitoring Group” oo Cabdirashiid Janan ku eedeysay inuu geystay xasuuq dad shacab ah.

Waxaa jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka oo la xiriirtay maxaabiis afar qof ah oo uu sanaddii 2015 ku dilay Doolow kadib markii uu xabsiga kala baxay, sida lagu eedeeyey. Hase yeeshee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baabi’isay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii sida la sheegay ay ka laabatay xeer ilaalinta.

 

- Advertisement -

Read more

Local News