Wasiir lagu dhagan yahay oo hortagay golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka, kadib markii ay u yeereen 11 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo wax yar ka hor furmay ayaa waxaa shir guddoomiynaya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa haatan su’aallo adag weydiinaya Maareeye oo ka mid ah wasiirada firfircoon ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Su’aalaha ugu badan ayaa waxaa wasiirka laga weydiinayaa warbaahinta Qaranka, gaar ahaan SNTV, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Sonna oo dhowaan xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in si gaar ah loo adeegsado, islamarkaana lagu fushado dano siyaasadeed.

Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa sii wadi doono doodooda ku aadan hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka oo ay wadeen maalmihii la soo dhaafay.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa muddooyinkaan dambe waday qorshe lagu dardar gelinayo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Dhowaan waxaa Golaha hortagay wasiirada wasaaradaha amniga iyo duulista hawada Soomaaliya, kuwaas oo wax laga weydiiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.