Wasiir Saalax oo shaaca ka qaaday in kadib doorashada dalka la dhameystiri doono…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurtka xukuumadda xil-gaarsiinta, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaciyey in sababta uu illaa hadda u dhameystirmi la’yahay dastuurka KMG ah ee dalka ay tahay wada-xaajood siyaasadeed.

Wasiirka oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayey Wacyigelinta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in wada-xaajood siyaasadeed laga yeesho xulashooyinka Dastuurka.

“Waxa aan ku rajo weyn nahay marka doorashooyinkaan laga baxo oo Dowlad cusub timaado in xulushooyinkaan si weyn looga fadhiisto iyada oo la xasiloon yahay oo la degan yahay, waxa keliya u dhiman yahay dastuurka ma aha farsamo ee waa wada-xaajood siyaasadeed oo la rabo halmar salka loo dhigo,” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay joogteynta kulmada looga hadlayo dib u eegista Dastuurka, si ay bulshada qeybtooda ku kordhiyaan waxyaabaha loo baahan yahay iyo tallooyinkooda, sida uu sheegay.

“Waa arrin aan laga maarmin maadaama dastuurka uu yahay midka ay u baahan yihiin dadka” si loo dhammeystirana ay u baahan tahay in laga wada qayb-galo.”

Qaybo-tirka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa muddo badan qaatay, kaasi oo la ansixiyey 1-dii August, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran, ayada oo ay dhowr jeer qabsoomeen shirar iyo dooda ku saabsan.