Deni oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo shirka wada-tashiga qaran oo furmayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho ee caasimada dalka, si uu uga qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka.

Saciid Deni ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoona ay horey caasimada ugu sugnaayeen madaxa kale ee maamulada.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Arrimaha sida gaarka ah shirkan loogu lafo-guri doono waxaa ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana Afisyoone oo uu shirka ka dhacayo ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.