Goodax oo weerar culus ku qaaday Dabageed xilli ay kasii dartay xiisadda HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa qoraal uu soo saaray ku weeraray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, isagoo ku eedeeyey inuu colaad ka horinayo magaalada Beledweyne.

Goodax Barre ayaa sheegay in Baladweyne uu soo joogay mudo 10-cisho ah, isla markaana uu hadda Muqdisho ku soo laabtay, isagoo Yuusuf Dabageed ku tilmaamay nin xalka gobolka Hiiraan u arka inuu ku jiro in dadku ay dagaalamaan.

“Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan. Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa ‘Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso,'” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Goodax Barre. 

Goodax ayaa nasiib xumo weyn ku tilmaamay in dad kale ay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle taleefan uga dirayaan Muqdisho, sibuu yiri “ummad dhan masiirkooda loo burburiyo.”

Waxa uu sheegay in dadkaas ay danahooda shaqsiga ah ka fushanayaan gobolka. “iyagoo sheeganaya in ay dadkaan matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe Baladweyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleynayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne.” 

Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka digay colaad laga huriyo gobolka Hiiraan, isagoo ku goodiyey in wax kasta oo meeshaas ka dhacan aan looga hari doonin cidii fasha.