Wasiir Sabriye iyo Sheekh Shaakir oo heshiis ka gaaray xiisaddii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafay gashay xaalad cabsi ah oo ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday, kaddib markii gelinkii dambe ee shalay rasaas laga maqlay bartamaha magaalada, taasoo ka dhacday hal qori.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Madaxa Xukuumadda Galmudug u sheegay in ay ka jawaabeen dalabkoodii ahaa in la soo xiro askartii ka dambeysay rasaastii xalay lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah goobaha uu Madaxa Xukuumadda Galmudug ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in rasaastaasi ay ahayd mid uu furay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya, isla-markaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, hadana uu xiran yahay.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka codsaday inaanan la argagax-gelin bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay Xoogaga Ahlu Sunna joojiyan xarumaha ay la wareegayan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxa Xukuumadda Galmudug uu aqbalay baaqa kaga yimid Wasiir Sabriye, balse ay ka doonayan in sharciga la horkeeno, lana cadeeyo sababtii keentay in lagu soo weeraro Xero Inji.

Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji, xilli uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug, oo sidoo kale ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xalay lagu arkaayay wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyay markii rasaasta lagu furay Xero Inji. Xero Inji ayaa sidoo kale ah xarunta ugu weyn ee ay leeyihiin Xoogaga Ahlu Sunna.

Ka sokow dhaq dhaqaaqyada ciidan ee magaalada gashay waxaa barbar socday kulamo iska soo horjeeday oo lagu soo dhoweynayay Guddiyada labada dhinac ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com