Diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ee DF oo ka dagtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 60 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo n uuu gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada laga dajiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada ay xalay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda uu rasaaseeyey Shiikh Shaakir iyo ilaaladiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com