Xog: Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo laga joojiyay xildhibaanada & wasiirada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho laga joojiyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyadoo la marsiiyay madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Warbixinta aan helnay ayaa sheegaysa in safiirka Turkiga uu warqad cabasho ah uu u qoray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabashada safaaradda ayaa aheyd mid ku saleysan in mas’uuliyiintaan ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ay safaaradda u soo doontaan fududeenta dal-ku-galka Turkiga (Visa), waxayna u qaataan si joogto ah.

Ugu yaraan 15 qof oo kamid ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo ay safaaradda dacwada ka gudbisay ayaa qofkiiba qaaday dhowr qof oo uu ku sheegay xaaskiisa. Qaarkood ayaa dhaafay 4 qof oo dumar oo ah tirada qofka muslimka ah loo ogol yahay in uu guurasdo siday ay sheegtay safaaradda Turkiga.

“In kabadan 8 jeer ayey qaarkood noo keeneen hablo, waxay ku sheegeen xaaskooda midba mar ayey noo keeneen waxaan u sheegnay in aysan qabi karin intaan oo aysan diintu ogoleen” ayuu yiri masuul ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

“Mid kamid ah markaa weydiino magaca qofkii ugu horeeyay ama labaad oo dhameestiran ma yaqaano waxaa  badan haween ay saaxiibo la yihiin xataa ma ahan qaraabadooda” ayuu yiri masuulka aan xogtaan ka soo xiganay oo ka tirsan safaaradda Turkiga.

Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada masuuliyiintaan oo qaarkood xilal saro ka haayo xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaase xogta aan helnay ay sheegeysaa in hadda aysan sidii hore aheyn dhibaatadii ay qabeen.

Arintaan ayaa sababtay in gudaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga joojiyay ka bixinta fisaha Turkiga waxaana qandaraaska fisaha la siiyay shirkad gaar ah, ayada oo laga raray gudaha safaaradda Turkiga maadaama aan safaaradda laga joojin karin xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee usocda safiirka Turkiga ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com