Xog: Deni oo walaalkiis ku wareejinaya mashaariicda Imaaraadka iyo beelo diiday

Boosaaso (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa lumiyay mid ka mid ah Beelaha ugu muhiimsan Gobolka Bari  udub-dhuxaadna  u ah joogitaankooda degaanada Puntland, xili laga cabsi qabo colaad sokeeye.

Xiisad adag ayaa ka taagan deeganada Puntland gaar ahaan gobolka Bari intii talada la wareegay  Madaxweyne DENI.

Madaxwynaha ayaa u muuqda inuu cadaadis xooggan ku saaray imaaraadka inay la shaqeystaan qoyskiisa dhanka horumarinta mashaariicda, taasoo meesha ka saaraysa shirkadda ay lahaayeen ganacsato u badan Reer Bari oo ay ugu muhiimsanaayeen Beelaha Cali Saleebaan, iyadda oo walaac wayn laga muujjnayo, loona fasiran karo in ay tahay iska horkeenida qaar ka mid ah beelaha Puntland.

Imaaraadka Carabta ayaa luminaya Beelaha gobolka Bari gaar ahaan Cali saleebaan oo udub dhexaad u ahaa joogitaankooda gobolka, tobankii sanno ee la soo dhaafay maadama beeshaasi gacan saar weyn la lahayd Imaaraadka, iyagga oo kala shaqeyn jiray mashaariicda horumarinta Iyo fududeyntii in mashruuca PMPF laga hirgaliyo deegaanada Puntland.

Waxaa xusid mudan in laba Suldaan oo ka mid ah beelweynta Cali saleeban, si xaq darro ah loo dilay mudadii lagu jiray hirgelinta mashaariicda Imaaraadka.

Wixii ka dambeeyay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka Carabta kala shaqeeyo iska horkeenida beelaha Puntland, Madaxweyne Deni ayaa si weyn u daneynaya in xubno ka mid ah qoyskiisa lagu wareejiyo mashaariicda ay horay gacanta ugu hayeen xubno ka soo jeeda beesha Cali salaleebaan.

Madaxweyne Deni ayaa ka dhaadhiciyay Imaaraadka Carabta in walaalkiis oo lagu magacaabo Xasan Deni lagu wareejiyo dhamaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland, taas bedelkeeda Madaxweynaha ayaa u balan qaaday Imaaraadka inuu qalinka ku duugi doono saxiixida dan kasta oo ay ka leeyihiin Puntland.

Beelaha degan gobolada Puntland, waxaa muuqata in ay soo fahmayaan qiyaanada uu la damacsan yahiin Imaaraadka Carabtu dalka Soomaaliya, iyagga oo adeegsanaya siyaasiyiin dhaqaale doon ah.

Dhinca kale, waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaso shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Cali Saleeban. Shirkaas waxaa looga arrinsaday sida laga yeelayo duulaanka Madaxweyne Deni ee ku wajahan qaar ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland

Shirka waxaa ka soo baxay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa hogaaminta khaldan ee Madaxweyne Siciid Deni ku wado deegaanada Puntland.

Hab dhaqanka cusub ee Deni iyo Imaaraadka la soo baxeen ee ah iska horkeenidda beelaha, waxa uu keeni karaa burbur ku yimaada mashruuc kala duwan oo Puntland waxtar u lahaa sida kan PMPF, iyo kuwo kale.

Imaaraadka Carabta ukeedkoodu waa in ay Puntland ka dhigtaan saldhig la gala dagaalamo dowlada iyo midnimada shacabka soomaaliyeed, iyagga oo madaxda Puntland ku indho sarcaadinaya dhaqaale iyo mashaariic aan muhiimad la hayn.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com