Olole xilka looga qaadayo gudoomiyaha baarlamanka P/land oo ka socdo Garowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan.

Ololahaan oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Berri dhici doono ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kooxda Aaran Jaan ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana Maanta fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland oo Berri ay ku kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa codsaday in ciidamada laga qaado Xarunta si berri uu kulanka u dhaco, waxayna wararka sheegayaan in ciidamadii halkaas la geeyey laga qaaday.

Magaalada Garoowe waxaa Caawa ka socdo olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana socdo kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran jaan go,aan ku gaartay in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com