Wasiirada HirShabelle oo ka soo cararay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle ay iskaga soo baxeen magaaladaas, kadib markii uu dagaal xoogan ku dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud.

Wasiirada oo markii hore magaalada Beledweyne uga qeyb-galay shirkii golaha wasiirada ee maamulkaas, ayaa waxaa tallaabadaas si weyn uga carooday Jeneraal Xuud oo asagu kasoo horjeeda maamulka HirShabeelle, taasi oo uu ka dhashay iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

Wasiirada isaga baxay magaalada kadib markii uu bilowday dagaalka ayaa waxaa kamid ah; Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cali Caadle iyo Wasiirka Beeraha & Waraabka ee maamulkaas, Maxamed Cumar Ceeymooy.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa saacadaha soo socda la filayaa in wasiiro kale ay isaga bixi doonaan magaalada Beledweyne oo saacadihii u dambeeyay ay xiisado dagaal ka taagnayeen.

Tallaabada ay uga baxayaan wasiirada HirShabeelle ayaa imaneysay xili ay ciidamada Jeneraal Xuud ku sugan yihiin deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beledweyne, sidoo kalena Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Bannaaneey oo dhaca duleedka waqooyi ee Beledweyne, midaasi oo dagaal hor leh dhalin karta, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu baajinayo inay dagaalamaan.

Si kastaba, waxaa hadda si caadi ah usoo noqday isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ayada oo maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada.