Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska oo Museveni ku qasbay inuu ka qeybgalo shirka Soomaaliya ee London

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda ingiriiska ayaa wado dadaalo ay ku dooneyso in dowladaha lugaha kula jiro siyaasadda Soomaaliya ay ka dhaadhacsiiso inay kasoo qeybgalaan kulanka dhawaan lagu qaban doono Magaalada Landon ee caasimadda Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Britain Boris Johnson ayaa  Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ku qanciyey  inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka dhawaajisay inuu shirkaan xiriir la leeyahay midkii caalamiga ahaa ee ka dhacay dalkeeda sanadkii 2013 markaas oo looga hadlay arrimo ku aadan Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa.

Boris Johnson  ayaa xalay fiidkii gaaray Uganda wuxuuna halkaas kula kulmay  Madaxweyne Museveni, oo uu u gudbiyey Casuumaadaasi.

Madaxweyne Museveni iyo Xoghaye Johnsom oo si wadajir Shir Jaraa’id ugu qabtay Aqalka Dowladda ee magaalladda Entebbe waxa uu Johnson sheegay inuu Museveni ka oggolaaday inuu ka soo qeyb galo Shirweynaha London.

Wasiirka ayaa madaxweynaha Uganda aad ugu amaanay sida uu daacad ugu yahay inuu ka qeyb qaato howlgalka nabadsugidda ee ka socdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inay ka wada hadleen Boris Johnson saamaynta uu Tallaabadii ay Britian kaga baxday EU-da ku yeeshay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay EU-da jareen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Sidoo kalae wasiirka arrimaha dibadda  ingiriiska ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalalka Itoobiya iyo Kenya si uu iyagana ugu casuumo ka qeybgalka kulankaas ka dhici doono London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com