Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii lagu soo qaaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ka hadlay weerarka ay xalay Booliska Puntland ugu gaysteen goob uu kaga sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa qoraal ku sheegay ku sheegay in ilaaladiisa ay fashilisay isku day dil oo siyaasadeed, oo sida uu muujiyay la doonaay in isaga lagu dilo.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay “Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah.

Waxa uu intaas ku daray “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Weerarka ayaa yimid saacado kadib markii uu Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland soo saaray digniin culus, taasi oo gebi ahaanba lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Taliska Booliska ee gobolka Mudug ayaa sheegay in sidooda u fuli doonaan go’anka kasoo baxay Guddiga Amniga ee gobolka, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga, meeshana looga saarayo amni darada soo noq-noqatay ee gobolkaas.

“Waxaa u sheegayna dadweynaha reer Gaalkacyo in aan qof aan ku furi doonin yuusan ku rarin ayaa la yiri marka yeysan cidi idin waalin. Waxaa go’aamada keenay runtii waa walaac jira runtii oo qofna dhayalsan karin,” ayuu yiri.