Gaashaanle MUUMIN oo jawaab kulul ka bixiyey eeddii uu u jeediyey Cabdi Saciid

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gaashaanle Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhanka maamul Goboleedka Puntland, ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo ahayd in uu bixiyay amar lagu weeraray goob uu ku sugnaa.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya uu ku degdegay eedeyntaas, maadaama loo xil saaray guddi baara si uu usoo ogaado xaqiiqada dhinaca leh mas’uuliyadda israsaaseynta ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in uu jiro go’aan kasoo baxay guddi qaabilsan Amniga oo quseeya in la joojiyo shirarka aan maamulka ka war qabin si dhinacyada qabsanaya ay u gudbiyaan xogtooda lana ogaado sida uu hadalka u dhigay.

“Dabcan marka waxa la baaro ayaa la ogaan karaa, Ciidanka Booliiska iyo Kuwa PSF ee maamul Goboleedka Puntland wax ka dhex dhacay weeye, Wasiirka wuu ku degday waayo marka ay baarista soo baxdo ayaa laga hadli karaa, go’aan kasoo baxay Guddiga Amniga oo lagu joojiyay shirarka wuu jiray laakiin waxa aan xaqiijineynaa in uusan halkaas shir ka socan,” sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug DG Puntland Gaashaanle Muumin Cabdi Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Puntland ku eedeeyay in uu lahaa amarka weerarka.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay “Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah.”

Waxa uu intaas ku daray “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Hal askari ayaa geeriyooday, waxaa dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo martiqaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda & Taliye ku xigeenka Booliiska Gobolka Mudug oo labaduba laga daweynayo waxyeellada soo gaartay.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddi badan saraakiil oo baaraya sida uu dhacay weerarka, waxa uu sheegay in aan laga hari doonin ciddii yeelata mas’uuliyadda wixii dhacay.