Wasiirka Bartoolka oo qirtay inaan wax weyn laga bedelin heshiiska shidaalka ee muranka dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka XFS, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiskii shidaalka ee dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Coastline Exploration oo ay horay u diiday dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inaan wax badalan laga badalin heshiiskii hore oo muran badan ka dhex dhaliyey dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa xusay in kaliya wax laga badalay illaa 5 qof oo kamid ahaa heshiiskii hore, kuwaas oo aan aheyn arrimo waaweyn sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in qodobadaas ay ahaayeen kuwa kaliya dib u eegis lagu sameeyey.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in heshiiskaan uu ahaa mid isaga ka horreeyey, balse la codsaday in wada-hadal toos ah laga galo halkii laha dhigi lahaa tartan furan oo u dhaxeeya dhowr shirkadood.

Qodobadda laga bedelay ayuu Wasiir C/risaaq ku sheegay inay kala yihiin:

  1. Aadeegga Saadka amniga iyo arrimaha kale (Local Content) laga qaato gudaha, haddii ay awoodaan inay qabtaan.
  2. Waxaa kaloo laga saaray arrin ku saabsan (Xaalad hubanti la’aan ah- force majeure).
  3. In wixii qalab ama hantiga haraaga ah ay yeelan doonto dowladda Soomaaliya.
  4. Heshiiska in aysan saameyn karin isbedello yimaada sida canshuuraha, taas oo la isla gartay, laakiin Wasiirka la siiyey inuu soo saari karo shuruuc iyo canshuuraha
  5. Iyo Qodob ku saabsan haddii Heshiiska lagu wareejinayo shirkad ama saami dad kale oo lagu caddeeyay dadka saamiga leh ee lagu wareejin karo.

“Qodobaddaas waa la saxay, wax weyna ma ahayn, wuxuu ahaa heshiis fiican oo ka fiican kuwa caalamiga ah, waxaana kala tashanay sharci yaqaano arrintaan aqoon fiican u leh,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Muhiimada heshiiska ayaa ah inaan waxba laga bedelin qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku caddahay in Soomaaliya waxa loo yaqaan Royal-tiga ay leedahay: 5%, faa’iidadana loo qeybsan doono si isla mid ah 50% iyo 50%, canshuurta laga qaadayo faa’iidada ayaa ah 30%.

Heshiiska Wax-soosaar wadaagga ah ee shidaalka Soomaaliya oo dalka Turkiga lagu saxiixay Febraayo 2021-kii ayaa khilaaf weyn dhaliyey, waxaana sharci darro ku tilmaamay madaxweynihii xilligaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyey sida deg degga ah ee heshiiskan loo saxiixay iyo inaan dadka loo soo bandhigin faahfaahinta heshiiskan, sidii markii hore ahaa iyo qodobada laga bedelay.