Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshe cusub uga dhowaaqay shirka Algeria

Aljeris (Caasimadfa Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya uga qaybgalay furitaanka shirka 31-aad ee madaxda dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, halkaas oo khudbad dheer uu ka jeediyey.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu mid mid ugu dul istaagay marxaladaha ka jira Soomaaliya, sidoo kale wuxuu khudbadiisa ku soo hadal qaaday caqabadaha ay wajahayaan shucuubta carbeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku howllan tahay sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhashay kooxaha argagixisada ah, abaaraha soo noqnoqday ee ka dhashay isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu dul istaagay caqabadda ay Alshabaab ku tahay horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed soo dhibaateynayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay in dowladiisu ay ku guuleysatay inay wiiqdo awoodda dhaqaale, ciidan iyo fikir ee kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey dhibaatooyinkii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay geysteen ayaa yiri, “Kooxdan argagixisada ah waxay ku suntan tahay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo falalka arxan darrada ah oo ay u danbaysay qaraxyadii argagixisanimo ee todobadkan ay ka geysteen magaalada Muqdisho, taas oo ay ku naf waayeen in ka badan 100 muwaadin oo Soomaaliyeed, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 300 oo qof, khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray dadkayagana uu yahay malaayiin doolar.”

Sidoo kale Madaxweyne xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshaha ay ku wajahayso dowladdu kooxdan uu ka kooban yahay saddex qeybood oo oo kala ah:

  1. Dagaal milatari oo aan ku xoreynayno deegaannada ay ku joogaan.
  2. Dagaal dhaqaale oo aan ku curyaaminayno ilaha dhaqaale ee maalgeliya argagixisada guda iyo dibadna.
  3. Dagaal ka dhan ah fikirka gurrucan ee xagjirnimada, iyadoo aan daaha ka qaadeyno been abuurkooda ka dhanka diinteenna suubban iyo ficilladooda khaldan ee aan melena ka soo gelin diinta Islaamka.

Hoos ka daawo Khudbada oo dhameystiran