Wasiirka batroolka oo qaaday tallaabadii u horeysay, kana degay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka.

Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay.

“Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.