Wasiirka cadaaladda DF oo faah-faahiyey dil uu geystay askari ka mid ah ilaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa faah-faahiyey dil uu shalay gelinkii dambe askari ka tirsan ilaaladiisa ka geystay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi dilka ah uusan la socon gaariga, kaas oo loo geystay marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa agaasimihii waaxda IT-da ee xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada marxuumka, wuxuuna carabka ku dhuftay in askariga dilka geystay uu haatan ku xiran yahay laanta dambi baarista ee CID-da.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda.”ayuu yiri Wasiirku.

Xasan Xuseen Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inuu ka xun yahay dhacdadaasi, wuxuuna shaaciyey inuu cadaalada mari doono askarigaasi ka tirsan ilaaladiisa.

Wasiirka cadaaladda oo  telefishinka qaranka la hadlayey ayaa ciidamada dowladda uga digay inay hubka ay wataan ku dhibaateeyaan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ilaaliya mas’uuliyiinta ayaa inta badan dilal ku yimaado kala shaki ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.