Ciidamo dheeri ah oo lagu daadiyay waddooyinka Dhuusamareeb + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxa xalay ilaa maanta ciidamo dheeriya lagu soo daabulayay waddooyinka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xili uu ka socdo shirka madaxda maamulada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadasi oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya ciidamadii hore u sugayey amniga Dhuusamareeb maalmihii u dambeeyay, maadama ay magaaladaasi ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyadu.

Ciidamadaasi ayaa bilaabay howl-galo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada oo uu weli ka socdo shirka maamul goboleedyada, oo si rasmiya u furmay maalintii shalay.

Sidoo kale waxa ciidamada booliska ee lagu xoojiyey kuwii hore. ay magaalada dhexdeeda ka sameysteen baro kantarool oo ay ku baarayaan gaadiidka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay la ciir-ciireysay ciidamo tira badan oo ay badankooda ku daabuleen madaxda maamulada dalku oo ka qeyb-galayey Shirka maamulada ee uu martigeliyay madaxweynaha Galmudug.

Waxa kale oo magaaladaasi ku sugan wafuudii ugu badneyd oo ay horkacayaan madaxda maamul goboleedyada, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro, Siyaasiyiin iyo xubno hore xilal uga soo qabtay dowladda.