Wasiiru dowle ka tirsan maamulka Puntland oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la dhaawcay Wasiiru dowlihii wasaaradda dekaddaha maamulka Puntland, Axmed Saciid.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerareen Wasiiru dowlihii wasaaradda dekaddaha Puntland, xili uuku sugnaa gudaha magaalada Boosaaso.

Wasiiru dowlaha, ayaa xiliga la dhaawacaayay la socday gaari uu lahaa, waxaana iminka xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso.

Kooxihii weeraray Wasiiru dowladaha oo isku dayay inay goobta ka baxsadaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka maamulka.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in raga weerarka fuliyay ay qeybi la socdeen gaari, halka qeybna ay ahaayen kuwo ku sugnaa goobta lagu weeraray Wasiiru dowlaha.

Dhacdadaani ayaa kusoo beegmeysa xili ay dilal dhowr ah mas’uuliyiin xilal ka hayay maamulka Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com