Xisbiyada mucaaradka oo soo saaray dalab adag oo ka dhan ah shan sarkaal

Xisbiyada Daljir, Wadajir, Kulan iyo Madasha Horusocod waxay si wadajir ah u soo saarayaan War Saxaafadeedkan oo ka soo baxay kulamo wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen, kuna saabsan Garsoorida iyo Cadaalad u sameynta dadkii lagu dilay weerarkii Xarunta Xisbiga Wadajir 17 Decembe 2017, islamarkaasna lagu xadgudbay karaamadoodii bini’aadannimo kadib markii lagu aasay xabaal wadareed iyaga oo aan la tusin ehelkooda la marsiin habraaca aaska shareecada Islaamka.

Xisbiyadu waxay adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay ku dhaqanka sareynta sharciga taas oo u adeegeysa xasiloonida iyo nabadgelyada Dalka islamarkaana qeyb ka ah hannaanka dimoqraadiyeenta Dalka iyadoo aysan jirin cid ka sareysa sharciga.

Xisbiyadu waxa ay ugu baaqayaan dhamaan hay’adaha ay arintani quseyso in si sharciga waafaqsan loogu xaqsooro dadkii lagu xasuuqay weerarkii lagu qaaday xarunta xisbiga WADAJIR, cadaaladana la horkeeno cidii geystay falkaasi gurracan ee ka soo horjeeda Diinteena, Dastuurkeena iyo Dhaqankeena.

Hadaba, Xisbiyadu waxay dalbanayaan in shaqada laga joojiyo saraakiishii falka geysatay si toos ahna ugu lug lahaa weerarka xarunta xisbiga 17 Diseembar 2017 si loo socodsiiyo dacwad ku eedaysanayaasha gaboodfal ka dhan Qoddobada 250, 434, 460, 461, 463 ee Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed.

Eedeysanayashaas oo ka tirsan Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxa ay

kala yihiin:

  1. Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Jaamac”, Ku Simaha Taliyaha Hay’adda “NISA”
  2. Saadiq Cumar Xasan “JOHN” Taliyaha Goblka Banadir ee Hay’adda “NISA”,
  3. Cabdixakiin Nuur Axmed Ciise, Sarkaal ka tirsan sirdoonka dibadda ee “NISA”
  4. Yaasiin Ganeey, Taliye Koox oo ka tirsan Hay’adda “NISA”
  5. Farxaan Maxamuud Qaroole, Taliye Koox ka tirsan Hay’adda “NISA”

Xisbayadu waxey sidoo kale dalbanayaan in lagu sameeyo shaqo ka joojin iyo xasaanad ka qaadis Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane. Axmed Cali Daahir iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku eedeysan soo abaabulida weerarkii 17 Diseembar 2017 ee lagu shirqoolay la doonayeyna in lagu khaarijiyo madaxda xisbiga WADAJIR si loo socodsiiyo dacwada laga geeyay eedeysanayaashaas maadaama aysan jirin cid sharcigu u ogolyahay in ay ku takrifasho awoodda Xafiisyada ay u hayaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Xisbiyadu waxa ay walaac wayn ka muujinayaa natiijada ka dhalan karta ishortaag lagu sameeyo cadaalad u sameynta dadkii la xasuuqay iyo eheladooda taasoo waxyeeleeneysa kalsoonida lagu qabo Hay’adda Garsoorka islamarkaasna caddeyneysa in aysan jirin sarayn sharci, maadaama madaxda sare ee Dalka sidii ay doonaan ugu gabood fali karaan awooda dawladeed ee lagu aaminay, iyagoon dhowraynin dastuurka iyo saraynta sharciga.

Sidoo kale, Xisbiyadu waxay baaq u dirayaan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan madax banaan ku sameeyaan dhacdadii 17 December , dedejiyaanna sameynta Guddiga Adeegga Garsoorka si looga shaqeeyo horumarinta Garsoorka iyo Cadaalada iyo in si degdeg ah loo sameeyo Sharciga hay’adda NISA taas oo hada u shaqaysa sidii ay ahaan jirtay xiligii taliska melateriga uu dalka xukumayey.

= DHAMMAAD