Arrimaha lagu xasuusto Sanbaloolshe xilliyaddii uu kasoo shaqeeyay NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waana xildhibaanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#058.

Haddaba maxaan ka garaneynaa ama ugu waaweyn ee lagu xusuustaa ninkan oo horay u soo noqday agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, isagoo hadda markii saddexaad loo magacaabay?

Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo garan og yahay naaneystiisa “Sanbaloolshe” wuxuu 1968-kii ku dhashay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Horay waxa uu u soo noqday wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, xilligaas oo dhibaatooyin badan oo dhanka amniga ah ay waddanka ka taagnaayeen.

Waxaa kale oo uu Sanbaloolshe mar soo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay UK.

9-kii bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore.

Muddo kooban ayuu sidoo kale xilkaas hayey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Markii saddexaad ayaa maanta loo magacaabay hay’adda NISA, oo ka mid ah laamaha ugu awoodda badan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Haddaba maxaa lagu xusuustaa Sanbaloolshe muddooyinkii uu ka soo shaqeeyay NISA?

Awood baaxad leh oo ku dhex yeeshay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo xileedkii hore, inta uu xilka taliyaha NISA hayay waxaa weerar lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado khasaare sababay.

Hase yeeshee, dhowr bilood ka dib, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Agaasimaha NISA ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana lagu baddalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.

Dhiibistii Qalbi Dhagax

Bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii waxaa gacanta lagu dhigay Cabdikariin Sheekh Muuse ‘Qalbi Dhagax’ oo xilligaas ku sugnaa gudaha Soomaaliya, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacyo.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas’uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannesburg, Qalbi Dhagax waxa uu Galkacyo tagay galinkii dambe ee maalintaas, isla habeenkiina waxaa qabtay ciidammada Galmudug, iyadoo markii dambana loo gacan geliyay hay’adda nabad sugidda ee NISA.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax loo gacan geliyay dowladda Itoobiya oo doon-dooneysay iyadoo falkaasi ay dad badan ka caroodeen.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka ayaa si weyn loogu dhaliilay u gacan gelinta Qalbi Dhagax ee dowladda Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay xilligaasi ka gaabsatay ka hadalka arrintan marka laga reebo taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo mar meel fagaaro ah lagu weeydiiyey sheegay in ay ka gaabsanayaan arrinka.

“Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Qaraxii isgoyska Soobe

Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Soobe, 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay qarax ay ku hoobteen boqollaal qof dad aad u bandanna ay ku waxyeelloobeen.

Saameynta qaraxa waxa ay waddanka kajirtay muddo badan.

Xilligaasi waxaa taliyaha hay’adda nabad sugidda ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo muddo yar kadib xilka laga qaaday.

Markii bishii April madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Sanbaloolshe in uu noqdo taliyaha NISA ayaa sida uu sharciga qabo waxa laga codsaday in uu iska dhigo xilka dhildhibaannimada, taas oo uu sameeyay xilli dambe oo ku dhow marka xilka NISA laga qaadi doono.

Waxaase dhacay qaraxii Soobe ee saameynta dhaliyay, iyadoo isla bishaas Oktoobarna shaqada laga eryey Sanbaloolshe.

Dhaliishii sirdoonka reer galbeedka

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa qoray qormo dheer oo uu kaga faallooday xaaladda ciidamada sirdoonka ee dalka arrimo la xiriira sirdoonka reer galbeedka.

Qormada ayaa lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.

Waxa uu ka warbixiyay xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, siiba kuwa sirdoonka iyo denbi baarista, wuxuuna caddeeyay in ka sokow iyagoo aan qaadan mushaar aanay heysan qalabkii ay wax ku baari lahaayeen.

Taliyaha NISA ayaa qormadiisa ku sheegay awoodda sirdoonka Soomaaliya sida ay u kooban tahay iyo inaysan heysan qalabkii u saamixi lahaa inay baaritaan sax ah ku sameeyeen qaraxyada dhaca iyo dabagal, wuxuuna eedeyn u jeediyay Khubradda qaraxyada dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay baaritaanka iskood ugu sameeyeen qaraxyada Muqdisho iyagoo aan wax warbixin ah la wadaagin dowladda Soomaaliyana.

Salbaloolshe, waxa uu sidoo kale qormada ku sheegay xiriir uu la sameeyay hay’adda Dembi baarista Mareykanka ee FBI-da oo uu ka codsaday inay ka taageeraan ka hortagga qaraxyada Baabuurta miineysan balse aan wax jawaab ah loo soo celin.

Hadda, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Isha: BBC