Waxaa soo socda maalmo dowladnimada Soomaaliya u noqonaya mugdi ama iftiin

Sidaan wadda ognahay waxaa sii dhamaanaya Muddo xileedka Dowladda hada jirta, marka aad isku barbar dhigtid waqtiga harsan iyo shaqooyinka la rabay in dowladu horey u qabato waa kala Badan yihiin, hadaba maareynta waqtiga kala guurka ee soo socda wuxuu u baahan yahay tanaasul iyo dulqaad laga rabo dowlada hada jirta iyo arragti qaran oo laga rabo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii burburka?

  1. In Dowladdu muddo Kordhin sameysato toos ah intaan la gaarin dhamaadka Muddo Xileedkeeda.
  2. In Dowladdu waqtiga jiiddo oo ay iska aamusto illaa laga gaarayo dhamaadka muddo xileedkeeda.
  3. In Dowlladdu maareyn weyso marxaladda kala guurka ah kadibna uu dhaco jahawareer siyaasadeed oo ku dhamaada burbur.
  4. In Dowladdu qaado tallaabooyin addag oo dhanka amniga ah oo ku wajahan siyaasiyiinta ka aragtida duwan .
  5. In Dowladda dhexdeed ka bilowdo kala aragti duwnaansho ku aadan hanaanka Loo maareynaayo marxaladda kala guurka ah oo qolo kasta diffaacato wixii u Dan ah.
  6. In Dowlladu Ilaalin weyso Sarreynta Sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaala.

Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii dowlad dhiska?

  1. In Dowladdu Doorashada ku qabato Waqtiga Dastuurka Dalka ku Xusan si hufan.
  2. In Dowladdu isafgarad kala yeelato Saamilleyda siyaasadeed ee Dalka nuuca Doorashada.
  3. In Dowladdu aragti fog oo ku dhisan Danaha Dalka iyo Dowladnimada ay ku maareyso marxaladda kala guurka ah.
  4. In saamileyda Siyaasadda Dalka ay la yimaadaan aragti qaran oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka ah.
  5. In Labeenta Bulshada ay qaataan kaalin mug leh oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka.
  6. In beesha caalamka ay qadato kaalin dhexdhexaad ah oo u dan ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.– Abdinasir Mohamed Sh. Nuur (Abdinasir Shubka) – Waa xoghayaha maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid