Waxaan ogaaday in dhibka iyo qar iska tuurnimada aysan ahayn Kheyre iyo Fahad

Qarnigii 19-aad bartankiisa waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Britain siyaasi la oran jiran Benjamin Disraeli.

Sida madaxweyne Farmaajo uu ugu celceliyo “qabyaalad baa dalkaan baabi’isay” iyo “waddaniyiin waa inaad noqotaan”, ayaa waxaa RW Disraeli maaro looga waayay isticmaalka ereyada, nasiib darro, “Misfortune” iyo musiibo, “calamity” mar walba oo uu xaaladda dalka iyo xisbiyada diiddan arinkooda uu ka hadlayo. Markii dambe wariye ku wareeray sababta uu RW Disraeli uu isku si ugu isticmaalo labadaan erey ayaa weydiiyay su’aashaan:

“Ra’iisul Wasaare, waa maxay farqiga u dhaxeeya labada erey, bal noo qeex si aan u fahamno ujeedkaaga”.

RW Disraeli oo aad u necbaa mucaaradkiisa, ayaa ku jawaabay:

“Nasiib darro “misfortune” waa marka uu William Gladstone, uu ku dhaco weliba Thames, musiibana waa marka qof uu u gurmado, kaddibna webiga ka soo saaro”

Gladstone wuxuu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ee xilka RW kala wareegi doonna!

Madaxweyne Farmaajo agagaarkiisa in mikrafoon laga helo waa nasiib darro, in lagu fasaxo oo uu taraaraxo, qof ka qabtana la waayo waa musiibo..

Haddii bajaajlayaal dhibban ay intaan oo carro ah ka keenneen, “ma yeelayno”, waan xaqiiqsaday in wax allaale wixii go’aan qar iska tuurnimo ahaa ay asaga ka soo maaxdeen.

Ma laha Fahadka iyo Kheyraha waa keeb la yuurar la lahaa in ay ayaga qar iska tuur iyo jaam jaam badan oo dhici lahaa baajiyeen macquul. Ma ogi, jawaabta uu bajaajleyda siiyay ayaan ka qiyaas qaatay….

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid