Video: Odayaasha Muqdisho oo digniin culus u diray madaxda DF “Saddex arrin marna ma aqbalayno”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho iyo isku dhacyada ciidamada dowladda ku dhexmaray degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid.

Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin seddex arin oo dowladda Soomaaliya ay isugu dartay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Arinta Koowaad ayaa odayaasha waxay ku sheegeen inay tahay in laga qaado Shacabka Muqdisho canshuur badan oo aan waxba loogu qaban, ciidamadooda lagu tilmaamay inay yihiin ciidan Beeleed, islamarkaana odayaasha Dhaqanka ee dhibaatooyinkaasi ka hadlana lagu tilmaamo inay yihiin Qaran Dumis.

Odayasha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay joojiso hanjabadaha badan ee lagu hayo Shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaatooyin badan la kulmay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Odayaasha ayaa dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay inay cid qaadato masuuliyadda waxyeelayadii dadka shacabka kasoo gaartay banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin hadalkii kasoo yeeray xildhibaan C/raxmaan Ibbi ee ahaa in dadka bajaajleyda ah ay yihiin kuwo Bambooyinka ku tuura ciidamada dowlada.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com