Weerar kale oo caawa ka dhacay waqooyiga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Jug xoog leh iyo rasaas badan ayaa caawa mar kale laga maqlay qeybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo xalay weerarro xoog leh ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-Salaam ee duleedka Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya goobta caawa la weeraray, waxaana aad u yar xogta laga heli karo, maadaama ay tahay goor habeen ah, dadkuna ay ku xaroodeen guryahooda.

Dad aan la hadalnay waxay noo sheegeen in hub culus iyo qaraxyo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka saraha Ceymiska oo dhaca inta u dhaxeysa Daarusalaam iyo degmada Yaaqshiid.

Xaaladda aagaas ayaa caawa ah mid cabsi ah, waxayna dadku ku xaroodeen guryahooda, iyadoo weerarkaan uu ku soo aaday xilli xalay weerar culus ay Al-Shabaab ku qaadeen guri uu deegaanka Daarusalaam ka deganaa guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Hiliwaa.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa aad u xumaaday, iyadoo xalay dhamaan magaalada laga dareemay qalqal xoog leh, kadib markii weerarro culus oo qaraxyo ku bilaawday ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Kaxda iyo deegaanka Daarusalaam.

Kooxda ayaa xalay dhulka la sintay dhamaan dhismayaashii saldhigga degmada Kaxda, waxayna horay u sii kaxeysteen gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarradii xalay waxay shaaciyeen geerida laba qof, dhaawaca 16 kale iyo waxyeelo aan la cadeyn nooceeda oo soo gaartay seddax askari oo ka tiran ciidamada dowladda.