Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga Fahad uu soo qaadan rabo xilli lasoo bandhigay sawirkiisa

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada HirShabeelle ayaa shaaciyey odayaasha soo xulaya eregada doornaeysa saddex kursi oo uu ku jiro midka uu doonayo inuu soo qaato agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraasta la shaaciyay Guddiyada soo xulaya ergada oo degaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladwayne ayaa kal ah: HOP#015, HOP#086, HOP#274.

Odayga ugu sareeya ee kursiga HOP#086 ayaa waxaa hore uga digay inuu xareysay Fahad Yaasiin odayaasha Beesha reer Aw-xasan, waxayna qoraal ay soo saareen ku eedeeyeen inuusan ahayn nabaddoon. 

20-ka Bishan Febraayo 2022 ayaa lagu wadaa inay Doorashada saddexda kursi ka dhacdo magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in Fahad yasiin aanu dhaafi doonin Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, halkaasina la geyn doono ergada iyo Guddiga Doorashada si ay gacanta ugu taagaan.

Garoonka Diyaaradaha magalada Beledweyne ayaan ka mid ahayn goobaha Doorashada in lagu qabto loo asteeyay ee sharciga ah, taasoo muran gelineysa kuraasta lagu doorto.

Muuqaalk sawir ah kii ugu horeeyay oo laga qaaday Fahad Yaasiin ayuu baahiyey sawir-qaadaha Farmaajo, waxaana sawirkaasi uu nooqnayaa shan sano kadib inuu ogolaaday sawir in laga qaado, isagoo hadda doonaya kursi xildhibaan.