Weerar saraakiil lagu dhaawacay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar lagu dhaawacay saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, sida dad goobjoogayaal ah inoo sheegeen.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Ceelka Tusbaxle ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in saraakiil ciidan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Saraakiisha ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin saraakiisha ciidamada meletariga Soomaaliya, lamana oga cidda ka dambeysay weerarkaasi.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in weerarka loo adeegsaday gaari raaxo ah, waxaana saraakiisha ay marayeen wadada xiliga weerarka uu dhacayay.

Maamulka degmada Dayniile wali faahfaahin kama bixin saraakiisha la dhaawacay magacyadooda iyo tiradoodaba.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com