Miisaaniyadii ugu horeysay dowladda Farmaajo oo lasoo bandhigay iyo meelaha loo kala qorsheeyey (Aqriso)

By Asad Cabdullahi Mataan

MUqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xildhibaannada ka hor akhriyay miisaaniyadda dowladda ee 2017-ka, oo noqoneysa tii ugu horreysay ee dalka, tan iyo markii uu madaxweyne ka noqday Farmaajo.

Mr. Bayle waxaa uu xildhibaannada weydiistay in ay duuduub u ansixiyaan miisaaniyadda maadaama xukuumadda iminka waxba kharash gareyn karin, kana dhammaatay saddexdii billoodlihii horay loogu ansixiyay.

Dhammaadka bisha June ayuu sheegay in uu ku soo celin doono golaha shacabka ku noqoshada miisaaniyadda 2017-ka oo dhameystiran si loo waafijiyo mudnaanta iyo siyaasadda xukuumadda cusub.

Miisaaniyaddan hoos ku qoran waxaa loo qoondeeyay xafiisyada dowladda sanad miisaaniyadeed 2017-ka,

Miisaaniyad Joogta ah:              US$ 255,832,434

Miisaaniyad Raasulaam Ah:       US$ 11,711,930

Wadarta guud:                            US$ 267,544,364

Miisaaniyadda Dowladda federaalka ah waxaa ay korortay US$ 19,250,063 marka loo eego miisaaniyaddii 2016-ka, waxaa kaloo jirta in miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee 2017-ka ay ka yartahay miisaaniyadda maamulka Somaliland 2017-ka, maamulka dambe waxaa loo ansixiyay miisaaniyad dhan $ 362,517,393.

Xafiisyada Dowladda Ee Lacagta ugu badan ku bixi doonto 2017-ka waa:

Miisaaniyaddan qaabka loo helaayo waxaa ka mid ah deeqaha laga filanayo deeq bixiyeyaasha, waxaa lacagtaas sanadkan wax laga siin doonaa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye