Wiil FALASTIINI ah oo ay dhacdo xanuun badan ku qabsatay xabsiga Yahuuda

Ramallah (Caasimadda Online) – Israa’iil ayaa xabsiga kasii deysay wiil Falastiini ah oo lagu magacaabo Hassan Tamimi kaasoo daryeel xumo caafimaad darteed indhihiisa waayey intii uu xabsiga ku jiray.

Abdunnasir Tamimi oo ah adeerka wiilkaan ayaa Anadolu Agency u sheegay in wiilkiisa la xiray Bishii April isla markaasna uu ahaa nin xanuunsan.

Hassan oo ah wiilka ay soo deysay Israaiil ayaa ka cabanayey dhibaatooyin dhanka Beerka iyo Killiyaha ah, waxaana cuduradaas ku riday nafaqo darro ku dhacday taniyo carruurnimadiisa hore, wuxuuna sheegay adeerkiisa inuu wiilkiisa u baahnaa daryeel caafimaad iyo nafaqeyn, isagoo Israa’iil ku eedeeyey inaysan ogolaan in wiilkiisa uu xabsiga ku helo waxyaabihii uu u baahnaa taasina ay sababtay inuu waayo aragga indhihiisa.

” Israa’iisha dhulkeena xoogga ku heysato mar kasta waan u gudbineynay xaaladda Caafimaad ee uu wiilkeena ku jiro, balse xaqiiqda ayaa ah inay iska indhatireysay wax walba, taasoo ugu dambeyn keentay inuu wiilka xanuun dartiis aragiisa ku waayo” ayuu yiri Abdunnasir Tamimi .

Xasan Tamimii ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyey inuu dhagxaan ku tuuray askarta Israa’iil 7 April ee sanadkaan,  waxaana markaas loo gudbiyey xabsiga ciidamada Israa’iil ee ku yaal Galbeedka Ramallah, iyadpp lasoo taagi rabay maxkamad bisha July ee soo socoto, inkastoo hadda lasii daayey kadib markii uu daryeel la’aan caafimaad ku waayey aragiisa.

Jimciyadda qaabilsan Maxaabiista Falastiin ee loo yaqaan The Palestinian Prisoners Society (PPS) oo war saxaafadeed soo saartay ayaa tilmaamtay in wiilkaan uu indhiisa u waayey daryeel la’aan caafimaad oo ku qabsatay xabsiga dhexdiisa.

Ista’iil oo xoog lagu dajiyey dhulka Reer Falastiin ayaa dhibaato xoog leh iyo xasuuq ku wado shacabka Masaakiinta ee dhulkooda la boobay.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com