Wiil Soomaali oo 11 bilood jir ah oo laga soo qaaday Syria kadib dhimashada waalidkiis oo Daacish ahaa

Muqdisho-(Caasimada Online) – Dawladda Denmark ayaa wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 11 bilood ka soo badbaadisay waqooyiga dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Syria, kaas oo waalidkiis ay ku dhinteen dagaalka ka socda dalkaas.

Ehelada qoyska uu wiilkaas ka dhashay oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wiilka yar laga soo qaaday magaalada Erbil ee dhacda waqooyiga dalka Syria.

Wiilka ayaa markiisii hore laga keenay xerada Al-Xuul ee isla dalkaas, kadib markii ay xeradaas ku geeriyootay hooyadiis bishii Maarso ee sanadkan.

Sidoo kale aabihiis ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhintay dagaalada ka socda dalka Syria.

Wiilka laga soo badbaadiyey Syria awoowgiis ayaa sheegay in gabadhiisa oo dhashay wiilka yar ay sanadkii 2015-kii u safartay dalka Syria, halkaas oo ay ku guursatay nin Soomaali ah.

Geerida gabadhiisa ayuu sheegay in lagu soo wargaliyey bishii Maarso ee sanadkan, kadib markii madaafiic lagu garaacay xerada Al-Xuul ee dalka Syria oo ay ku  noolaayeen.

Awoowaha ayaa sidoo kale sheegay in ninka dhalay wiilka yar oo qabay gabadhiisa uu ku dhaawacmay dagaalka ka socda dalkaas, isla markaana uusan hadda xaqiiji karin geeridiisa.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa awoowga wiilkaas iyo gabar uu dhalay waxa ay gaareen magaalada Erbil ee dalka Syria, si ay halkaas uga soo qaadaan wiilka yar oo bad-baadintiisa ay ku gacan siinaysay dowladda Denmark.

Qoyska ayaa dowladda Denmark uga mahad celiyey sida ay ugu garab siisay soo bad-baadinta wiilkaas yar, iyagoo sheegay in wax kasta ay dowladdu u hurtay sidii wiilka looga soo badbaadin lahaa Syria.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in dalka Jarmalka lagu soo celiyey ilaa saddex gabdhood oo mid ka mid ah asalkeedu yahay Soomaali, halka mid kale oo Jarmal ahna ay u dhaxday nin Soomaali ah oo ay carruur u dhashay.

Gabadha Soomaalida ah ayaa bartamihii bishan lagu soo celiyey dalka Jarmalka, waxaana wali ku socda baaritaano ay ku hayaan laamaha amniga dalkaas.

Sidoo kale gabar wadatay seddax caruur ah oo u dhacday nin Soomaali ah ayaa Sabtidii lasoo dhaafay laga dajiyay dalka Jarmalka, ninka Soomaaliga ah ee qabay gabadhaas oo sida la sheegay heystay dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu dilay dalka Syria.

Dad Soomaaliyeed oo ka badan 50 ruux ayaa la sheegay inay ku jiraan Xerada Al-Xuul iyo xeryo kale oo ku yaalla dalka Syria, kuwaas oo doonaya in lagu celiyo Soomaaliya, dadkaas ayaa badan kood waxa ay Syria u tageen ka mid noqoshada Ururka Daacish.