Wiilka Ahmed Shah Massoud oo ku dhowaqay dagaal ka dhan ah ururka Taalibaan

Kabul (Caasimada Online) – Wiilka hoggaamiyihii ugu caansanaa ee la dagaalamay Taalibaan ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, balse wuxuu Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa.

Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa.

“Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri.

Aabihiis Ahmed Shah Massoud, oo loo yaqiin Libaaxii Panjshir, ayaa hoggaamiyey iska caabintii ugu adkeyd ee ka dhan ah Taalibaan, isaga oo ku sugnaa dooxada ku taalla waqooyiga Kabul oo uu ku xooganaa, ilaa laga khaarijiyey sanaddii 2001.

Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.”

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya madaxweyne ku-xigeenka Afghanistan Amrullah Saleh oo la kulmaya Massoud, waxayna u muuqataa in labadooda ay diyaarinayaa dhaq-dhaqaaq jabhadeyn oo ka dhan ah Taalibaan.

“Hase yeeshee waxaan u baahannahay hub dheeri ah, rasaas dheeri ah, iyo sahay dheeri ah,” ayuu yiri.

Massoud ayaa sheegay in Taalibaan ay halis ku yihiin wax ka baxsan xuduudaha Afghanistan.

“Inta ay xukumeyso Taalibaan, Afghanistan waxay shaki la’aan noqon doontaa saldhigga argagixisada Islaamiyiinta xagjirka ah; shirqoolo ka dhan ah dimoqraadiyadda ayaa mar kale halkan lagu diyaarin doonaa.”

Massoud ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin dagaalka imanaya balse ay u baahan yihiin kaalmada Mareykanka.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, Taalibaan ayaa soo bandhigayey hub, rasaas iyo qalab baaxad leh oo ay ka qabsadeen ciidamada Afghanistan – oo badankood uu u qeybiyey Mareykanka.

Massoud ayaa sheegay in 20 sano kadib, Mareykanka iyo Afghanistan ay wadaagaan “mabaadi’ iyo halgan,” wuxuuna ka codsaday Washington inay taageerto “qadiyadda xoriyadda” intii ay Afgaaniyiinta uga tagi lahaayeen Taalibaan.

“Waxaad tihiin rajadeena kaliya ee hartay,” ayuu yiri.

AFP + VOA