Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri guusha iyo hadalkii kasoo yeeray TAALIBAAN?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey hadalladii kasoo yeeray kooxda Taalibaan ee ay ku ballan-qaadeen inaysan dib ugu laaban doonin xukunkoodii mayalka adkaa.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Turkey ay diyaar u tahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu yiri.

Erdogan waxa uu intaas ku daray inay weli diyaar u yihiin inay sugaan amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul, islamarkaana Ankara ay weli wada-hadal kula jirto dhinacyo kala duwan.

“Waxaan dooneynay inaan xaqiijino ammaanka garoonka oo aan ku tabarucno ammaanka dalka kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, welina waa nagu jiraa damacaas,” ayuu yiri Erdogan.

Ankara ayaa horey ugala xaajootay saraakiisha Mareykanka inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, oo muhiim u ah in dalalka caalamka ay diblomaasiyiintooda kusii hayaan Afghanistan kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka.

Hase yeeshee guusha deg degga ah ee Taalibaan oo si fudud kula wareegtay dalkaas, ayaa fashilisay qorshahaas.

“Waxaan hadda wax u qorsheyneynaa si waafaqsan xaqiiqda jirta ee kasoo baxda halkaas, waxaana wada-xaajoodyada u galeynaa si waafaqsan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya inay weli Ankara kala hadlayaan amniga garoonka, waxayna ka mahad-celiyeen kaalinta Turkey ay ka qaadatay in shacab badan halkaas laga soo daad-gureeyo. 

“Joogitaanka militariga Turkey ee Afghanistan wuxuu maamulka cusub taageero ka siin karaa masraxa caalamka, wuxuuna u fududeyn karaa shaqooyinkooda,” ayuu yiri Erdogan.

Cid kasta xukunka hayso, Erdogan wuxuu sheegay in Turkey ay garab taagan tahay Afghanistan, wuxuuna mar kale ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyayaasha Taalibaan.