Wiilka Macallin Maxamuud: Galmudug kama jiri karo maamul aan aheyn midka Axmed Qoor Qoor (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciidamadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaamiyeyaasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan.

Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka, awood badana ay ku leeyihiin, isagoo meesha ka saaray inay jiraan kuraas laga siiyey baarlamaanka federaalka, si looga qanciyo tabashooyinka ay qabaan.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa cadeeyey in Galmudug uusan ka jiri karin maamul aan aheyn kan rasmiga ah ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, balse loo baahan yahay in xal loo helo qaladaadka maamul ee ka jira Galmudug.

Cabdisamad oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey sida uu u arko hadafka uu ku dagaalamo Aabihiis Macalin Maxamuud, wuxuuna ku jawaabay, “Horta anigu ma aaminsani in Aabahey qaldan yahay, weligeyna ma aaminin taas, waxaan xaqiijinayaa in Aabahey yahay nin mabda’ leh oo diinta u qidmeeya.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo uusan ku metelin Ahlu-Sunna, “Kursigaan waxaan ku metelaa beel la yiraahdo Cayr-bari, farsamo iyo awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ka ayaan ku helay kursigaan oo aniga iyo Senator saaxiibkey ah aan ku metelno beeshaas,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey halka uu hadda ku sugan yahay Aabihiis Macalin Maxamuud ayuu sheegay in meeshii uu doono uu tago, sida Muqdisho iyo Dhuusamareeb, “Bilo ka hor ayuu dalka, gaar ahaan degaanka Huurdhe u yimid Siyaartii Sheekh Yuusuf, wax ka hor taagan malahan inuu maro meeshii uu doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Cabdisamad oo horay u soo noqday Xildhibaan, wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, haatana mar kale soo noqday xikdhibaan ayaa sheegay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay markaan heystaan fursadii ugu wanaagsaneed, maadaama dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u soo xukumay dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dowlad ku hoggaamisa amni iyo cadaalad, waxaana rajeynaa inay tan noqoto,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo