Xildhibaan Cabdisaabir oo u jawaabay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee uu ku weeraray taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Hadalkaas oo ku jiray horudhaca wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey, ayuu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqoon fiican u laheyn, Mahad Salaad, oo haddii uu aqoon lahaa aanu ka dhigeyn agaasimaha NISA, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir qaranka leeyahay la wadaaga taliyaha cusub uu yahay qof sirtii qaranka u dhiibaya cadowga,” ayuu yiri.

Cabdisaabir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in wax layaab leh ay tahay in taliyihii hore uu si cad ula soo istaago saxaafadda in aan xogta dowladda lala wadaagin taliye sifo sharci ah ku maamulaya hay’adda.

“Waan ogeyn in Fahad iyo kooxdiisu shantii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeynayeen dhisitaanta dad iyo ciidan u rabayaad ah oo ugu shaqeeya si ka baxsan xeyn-daabka dowladnimada oo uu ka rajo qabo in ay amaro ka qaadanayaan iyaga oo aan wax-xil ah ka haynin dowladda,” ayuu yiri Cabdisaabir Shuuriye.

“Xogta uu leeyahay yaan lala wadaagin Mahad Salaad kiiska AUN Ikraam iyo Aamina miyaa, ileen xogta Fahad iyo waxa uu ka shaqaynayey oo dhammaystiran waa la ogyahaye?, Su’aasha kale maxuu noogu sheegi waayey cida uu doonayo in ay xogta siiyaan haddii uu u diidey taliyihooda sharciga ahaa? ma isaga ayaa raba in weli ay xogta ay la soo wadaagaan mise Al-Shabaab?”

Cabdisaabir ayaa sidoo kale sheegay inay wax yaab leh tahay in Fahad oo la ogyahay dalka uu u shaqeeyo iyo lacagta uu ka soo qaatay in uu naga iibiyo sirdoonadii ajnabi ayaan ka nadiifiyey hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay. 

Dad badan oo ka falceliyey hadalka Fahad ayaa ku macneeyey mid muujinaya in Fahad uu ka quustay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh, iyo hanashada kursigii xildhibaan ee horey looga hor-istaagay.